Markaan Rabiga u heeseyno waxaan shucuurta dareenkeena ku muujinaa fiicnaantiisa, weynaantiisa iyo sida jacalkiisa weyn ku jirta oo uu wax walba inuugu qabto. Sabuur: 96:1-3 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya. Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin. Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.