Waxan ku dhashay oo aan ku koray Muslinimo. Waxaan ku koray nolol aabe iyo hooyo la’aan ah, laakiin waxaa isoo korisay eeddo aad iigu wanaagsaneeyd, oo ii korisay sida mid kuweeda oo kale. Markaan yaraa iyo dhallinyaranimadeeydaba waxaan aan u tabi jiray jacaylka waalidkaay, waxaan aad isugu mashquulin jiray noocyada kala duwan ee sportiga. Waxbarashadeeydii iskoolka aad ayey u wanaagsaneeyd. Jaamicadna waxaan ku dhameeyey Muqdisho. Kolkii dagaalkii sokeeye bilowdeyna, aniga iyo xaaskeeyga waxaan u soo qaxney Sweden. Illaa hadda waan isla noolnahay xaaskeyga oo waxaan isku leenahay laba caruur oo aad u wanaagsa.

Waxaan ahayn muslimiin caadi ah oo ku socday waxbaridda islaamka. Muslimnimada, waa inaad ku kalsoonaataa shuqullada wanaagsan oo aad sameeysid. Ma jirto rajo, jacayl, xaqiiqo ama xiriir aad la leedahay Alaah, laakiin cabsi aad u badan. Ma jirto wax hubanti ah inaad ku galeeyso jannada. Intaa oo dhan, waxaan dareensanaa inaan sidaa ahaado, maxaa yeelay reerka oo dhan, saaxiibada oo dhan ayaa ku dhaqma diinta Islamka. Haddii aan ka tago diinta micneheedu waa inaan ka tagaa bulshada oo dhan oo aysan jirin wax inaga dhaxeeya.

Muslim ayaan ahayn ilaa bilowgii 2006, kolkii ay xaaskeyga noqotay Masiixiyad, iyadoo Masiixa ku aragtay riyooyin. Ka bixidda Muslimka, micneheedu waa silcin iyo xittaa dil. Waxaana aad uga welwelsanaa arrinkaas iman doona. Waxaan aad ugu dhiira geliyey xaaskeyga inay aad uga fiirsato go’aankeeda. Sikastaba ha ahaatee waxaa 100% ka go’naa inaay raacdo Masiixa. Intaa kadib waxaa ina dhexmray murano badan, sababtoo ah ma aan fahamsaneeyn sababta ay nolosheen qatartaas u gelinayso. Ugu danbeeyntoo ( muranno badan ka dib) waan ogolaaday inay ahaato Masiixiyad, laakiin waxaan u sheegay inaay caruurta faraha ka qaado si ay iyaga go’aankooda u gaaraan markay weenaadaan.

Waqti ka dib, reerkeeda aya ogaaday inay masiixiyad tahay. Waxay ku dadaaleen inay si uun dib ugu soo celiyaan muslinimada. Kolkii ay ku guul dareysteen, ayey isku deyeen inay aniga igu diirogeliyaan inaan ka tago oo caruurtana ka kaxeeysto. Qof kamida reerkeeda wuxuu igu yiri haddii aanan sameeyn sida auu islaamku leeyahay in aanan ahayn muslim sax ah. Tanina waxay kicisay inaan dib uga fekero muslinimada. Sidee aye ku dhici kartaa in diinteyda ay i fatro inaan ka tago xaaskeygii aan jeclaa oo aan reerkeeyga burburiyo? Taasi qalad ayey ila noqotay. Waqtigii wuu sii socday. Xaaskeyga way ku sii xoogaysatey rumeysadkeda masiixiyadda. Waxay noqotay qof kale. Waxaa yaab igu noqday waxaa ka mida ahaa tukashadeeda, dulqaadashadeeda iyo cafiskeeda xittaa kolkaa ka gardarnaa oo aan u gefayey rumeysadkeeda. Waxay sii noqotay qof aad u jacayl, naxriis iyo farxad badan.

Dhanka kale, caruurtiina waxay noqdeen masiixiyiin. Ma an ogayn ilaa habeen habeenada ka mid ah kolkii ay weydiiyeen hooyadood inay Kaniisaddasubixii u raacaan. Habeenka aad baan u naxay oo u carooday. Ma aan rumeysan karin waxa dhacay. Waxaan xusuustaa anigoo xanaaq aawadeed la qeylinaya. Waxaan dareemay inaan reerkeygii aan aniga keligay Muslim ka ahay. Waxaan ku hanjabay inaan ka tagaayo. Markaan sidaa iri caruurtii waxay bilaabeen inay ooyaan oo iga baryaan inaanan ka tagin. Si kastaba ha ahatee maysan inkirin Masiixa. Waxaan xusuustaa gabadheyda oo kolkaa 13 jir ahayd inay igu tiri: Haddii ay dadka hortiisa Masiixa ku inkirto, uu Isagan ku inkiri doono Aabaha hortiisa. Oraahdaasi fajac ayey igu noqotay oo taabatay wadnahayga. Waxaan iraahdo waan garan waayey.

Subixii kolkaan soo toosnay- aniga waxaan seexday fadhiga, iyaga saddexdoodana qolkeena- waxa igu dhacay ma aqaan, laakiin waxaan go’aansaday inaan aqbalo inay Kaniisadda wada aadaan. Ka dib saddexdoodaba waxaa lagu baabtiisay Trent Vineyard 2008.

Maalin maalmaha ka mid ah xaaskayga waxay ii dhiibtay Baybalka oo igula talisay inaan aqriyo. Laakiin qof Muslim ah kuma haboona inuu aqristo Baybalka, maxaa yeelay waxaa la rumeysan yahay inuu qarriban yahay oo la baddalay marar badan.Si kastaba ha ahaatee, waxaan jecleestay inaan aqriyo Baybalka iyadoo ay xaaskayka igu xujeeysay inaan ka helo qarribnaan ama wax xun. Waxaan go’aansaday inaan aqriyo Baybalka, anigoo laba arrimood oo muhiim ii ah inaan ka soo saaro:Qarribnaanta Baybalka iyo ilaahnimada Ciise masiix. Intaan Baybalka si daacad ah u aqrinaayey, waan jelaaday oo Erayga Ilaahna wuxuu bilaabay inuu qalbigayga taabto oo ka shaqeyo. Waxaan gartay in Baybalku yahay hadalka runta ah ee Ilaah uuna ka buuxo Ilaah jaceelkiisa, danbidhaafkiisa iyo badbaadadiisa.Ma aanan rabin inaa joojiyo aqrintiisa. Waana ka dhex helay jawaabihii su’aalahayga.

Intaa ka dibn waan joojiyey wax walba oo ku saabsanaa rumeysadka Muslimnimada, laakiin waxaan bilaabay inaan Ilaaha aniga i abuuray si aniga gooni iigu ah u baryo inuu i tuso jidkiisa saxda ah. Bilowgii 2009 waxay i weydiisay inaan Kaniisadda u raaco oo soo fiiriyo oo keliya sida ay Ilaah u caabudaan. Dhowrjeer oo horana way i waydiisay oo ka diiday. Laakiin markaan waan ka ogolaaday inaan soo fiiriyo waxa ay sameeyaan oo keliya. Isala markiin aan kaniisadda galay, waxaan dareemay jawi diiranaan ah. waxaan dareemay sidii mid iyaga ka tirsan. Rabbi amaanku aad ayuu heer sare u ahaa, wacdigana waa isku dhacsanaa. Waxaan goobtaas ka dareemay jaceyl aanan hore u arag. Anigoona weli Masiixi ahay ayaan Axad walba aadi jiray Kaniisaddaas.

Bilowgii November 2010 maalin kamida, ayaa waxaan Ilaah weydiistey Inuu isiiyo calaamad aan ku rumeeysto kan uu yahay. Cod kudehayga ka soo baxaaya ayaa igu dhiirageliyey inaan la soo baxo Baybalka oo aan kala furo, kadibna aqriyo boggii ii soo baxa. Waxaan aqriyey bogga cinwaankiisu yahay ” Kuwa aan rumeysneen waa loo digay” waana jabtarka Yooxanaa 8:21-28. Indhehaygana waxay ku dhegeen aayadda 24aad oo leh ” Sida daraadeed waxaan idin leeyahay waad ku dhiman doontaa danbiyadiina, haddii aydan rumaysan inaan Aniga ahay Isagii, waa ku dhiman doontaan danbiyadiina” Isla markaas waxaan aad ula yaabay oo aad ugu farxay sida deg degga leh oo uu Ilaah iila hadlay oo iigu jawaabay.

Taasi waxay ii ahayd xaqiijin. Maalintaas wixii ka danbeeyey Ilaaha runta ah waxaana go’aansaday inaan noloheyda siiyo Ciise Masiix. Nolosheydana oo dhan way is beddeshay. Dunida waxaan ku arkaa indho sidii hore ka duwan. waxaan noqday qof jacayl iyo farxad ka buuxdo. waxaan iga buuxsamay jacaylkii aan tabay caruurnimadeydii. Ka warran Ilaaha abuuray dunida oo dhan, Boqorka boqorada oo ku leh waxaan wadnahaaga ka buuxinaayaa jacayl aan joogsi lahayn kuna xirneen shardi oo aan guul darraysaneyn. Waxaa i buux- dhaafiyey jacaylkiisa iyo nimcadiisa. Masiixa wuxuu aniga iyo reerkeygaba siiyey jacayl, nabad iyo habsami. Waxaan haystaa xiriir joogta ah oo aan Isaga la leeyahay. Wax walba oo aan sameeynaayo waxaan u sameeyaa Masiixa.

Waxaa Kaniisaddayda laygu Baabtiisay May 2011. Kolkii aan dootrey inaan Masiixa raaco, reerkii iyo saaxiibadii muslimka ahaa way iga goosteen. Laakiin sida Baybalka ku cad Ilaah wuxuu iigu bedelay reero iyo saaxiibo kale. Kuwan oo aan igu xukumeen kan aan ahay laakiin igu soo dhoweeyey jacayl aan shardi ku xirnayn. Hadda waxaan Masiixa ku haystaa xaqiijin oo waan ogahay meeshaan waqtigayga danbe ku qaadanaayo. Masiixow mahadsanid. Adigaan ku daba soconaayaa oo ku caabudaayaa intii noloshayda ka dhiman.

Shino Gabo.