Dadka Masiixiyiinta ah iyaga ma iska soo alifanin in Kitaabka Qudduuska (Biblke) uu yahay Erayga Ilaah ee isagaa is cadeeynaaya.

Bibleka dhexdiisa waxaan ka heleeynaa cadaymo ah inuu yahay hadalka iyo waxqabadka Ilaaha nool. Boqolaal aayadood oo ku jira Axdigii hore iyo Axdiga cusubka ayaa si cadaan ah u sheegaayo in Bibleka yahay Erayga Ilaaha nool. In kabadan saddex-kun oo jeer ayaa ku qoran “Ilaah wuxuu yiri” ama “sidaan Ilaah ayaa yiri”.

  • Waxaan wada ognahay in Ilaah waagii hore dadkiisa kula hadli jiray Nabiyadii oo iyagan u soo gudbin jiray hadalka Ilaah dadkooda. Hadaba, waxaan dhowr aayadood ka soo qaadaneenaa Axdiga hori iyo Axdiga cusub ee cadeenaaya inuu Bibleku yahay hadalka Ilaah.

Aan ku bilowno Axdigii hore

Baxniintii 4:30-31“Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey. Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa’iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen”.

Yashuuc 3:9-10“Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa’iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah. Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo”,

  • Waxaa hubanti ah in hadalka Ilaah yahay mid weligii jiray oo jiri doona. Hadalka Ilaah qofna ma beddeli karo mana dhamaado ama expire ma noqdo.

Ishacyaah 40:8“Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa”.

Sabuur 119: 89“Rabbiyow, eraygaaguweligiisba Wuxuu taagan yahay samada”.

Markos 13:31“Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan”.

Sharciga ku noqoshadiisa12:32 “Oo wax alla wixii aan idinku amrayo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan, waxna ha ku darina, waxna ha ka dhimina”.

  • Hadalka Ilaah awood ayuu leeyahay dadkana waxtar ayuu u leeyahay

Yeremyah 23:29“Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?”.

Cibraaniyadii 4: 12“Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa,oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira”.

Sabuur 119:105“Eraygaaguwuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin”.

  • Qoraallada Ilaah kuma ekeen oo kaliya Axdiga hore ee axdiga cusubna Ilaah dadkiisa wuxuu kula hadlay si ka duwan sidii hore. Markaan Eraygii ayaa jir noqday oo dunida yimid si dadku u arkaan mucjisooyinkiisa iyo waxbariddiisaba (aqri Yooxanaa 1:14). Ciise masiix oo ah Erayga Ilaah markuu dadka la hadlaayo wuxuu leeyahay “Aniga waxaan idin leeyahay” ama “aniga waxaan ahay”.

Cibraaniyadii 1:1-2“Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisauu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey”.

Yooxanaa 16:12“Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan”.

Matayos 5: 38-40“Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa”,

Yooxanaa 14:6“Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahayjidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee”.

Yooxanaa 8: 12“Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha”.

  • Masiixiyiinta waxay haystaan oo rumeysanyihiin hadalka Ilaah oo run ah, sida Erayga Ilaah (Ciise Masiix) uu cadeeyey.

Yooxanaa 17: 8“Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay”.

Yooxanaa 17:17“Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune”.

Yooxanaa 15:3-4“Durba waad nadiifsan tihiin hadalkaan idinkula hadlay daraaddiis. Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin”.

  • Kitaabka waxa ku qoran waa hadalka Ilaah ee maaha hadal dadeed, laakiin Ilaah dad uu wakiishay oo uu u waxyoodey ayaa inoo soo qoray.

1 tesaloniika 2:13“Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila’aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheenereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan”.

1 Korintos 2:13“Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah”.

2 Butros 1:21“Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.

2 Timoteyos 3:16-17“Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaahoo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan”.

  • Gabagabo

Kitaabka Qudduuska waa hadalka Ilaah oo uu kula hadlay dadkiisa. Waxa ku qoran oo dhan waa run waayo hadalka Ilaah gebi ahaantiisba waa run. Way dhici kartaa inaay qof rumeesta ah ay ku adkaato inuu fahmo mar markaqaarkood. Laakiin rumeysadka in hadalka Ilaah uu run yahay ayaa naga qancinaysa inaan Ilaah ka barino in wixii aan warkiisa ka fahmi wayney aan weydiisid inuu isagu ina fahamsiiyo. Sabuur 19:7-8“Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa. Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa”.

Kitaabka Qudduska (Bible) waa hadalka ilaah oo uu u adeegsaday in dad uu isagu wakiishay ay inoo soo qoraan. Waxaa hubanti ah in qof walba oo Ilaah rumeysan uu aaminsan yahay in Hadalka Ilaah aan la beddeli Karin ama uusan noqoneyn mid dhaca (expire).  Sabuur 40:8“Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga”.

Rabiyow adaa mahad leh oo hadalkaaga nagu dhex noolyahay.

Qore: Shino Gabow.

www.jidkajanada.com