Sabiirradii 30:5 “Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada”.

Ilaah inuu wanaagsan yahay waxaad ku garan kartaa markaad adiga is fiirisid oo aad dib uga fiirisid noloshaada. Qofka aad tahay iyo waxwalba oo aad haysatid isagaa haddiyad ahaan kugu deeqay, mana aha wax aad shaqeesatey ama aad muteysatey inaad hesho ee waa wanaaggisa iyo hodantinimadiisa aawaadeed. Ilaah maaha Ilaah dadkiisa u careeysan ama neceb ee mar walba Ilaah dadkiisa wa jecel yahy, laakiin wuxuu necebyahay xumaanta ama danbiga. Matayos 5:45 “si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di’iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba”.

Masiixiyiinta inta badan waxay ka hadlaan wanaagga iyo jacaylka Ilaah, halka ay dadka kale ay inta badan ka hadlaan carada iyo ciqaabta Ilaaha ay aaminsan yihiin. Carada Ilaah waa mid aad u yar, inuu dadka uu isaga abuurtey ciqaabaana ma jecla. Laakiin wuxuu jecelyahay inay kulli wada badbaadaan oo ay gartaan runta. Runtaasna waxay ku garan karaan markii wanagiisa iyo jacaylkiisa si aad iyo aad u badan looga sheekeeyo. Sabuurradii 145:8 “Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay”. Sidaa daraadeed waxaa haboon inaan aad uga hadalno sida uu Ilaah u wanaagsan yahay, u naxriis badan yahay oo uu u jecel yahay dadkiisa. Arrintani waxay sababtaa in dadku ay Ilaah ku aqbalaan oo ay qalbigooda ku qanciyaan sida uu u wanagsan yahay, taasina ay keentaa inay marwalba Isaga ka fishaan wax walba oo wanaagsan oo ay nolosha dunida uga baahan yihiin.

Walaalayaal, Ilaah wanaaggiisa, samirkiisa iyo dulqaadashadiisa oo dadka loo sheegaa waxay sababtaa inay dadku u soo laabtaan Ilaah oo ay ku caabudaan kan uu yahay. Kuwa wanagga Ilaah ka hadlaana, waxay Ilaah ka helaan wanaag aad u badan. Waan ognahay in qofka aan jecelnahay aan mar walba ka hadalno wanaaggiisa si dadka kalana ay ugu riyaaqaan oo u hamiyaan inay bartaan qofkaas wanaagsan. Sidaa daraadeed, soo ma fiicna in aan marwalba ka hadalno Ilaaheena naxriista, nimcada iyo jaceelka badan sida uu u  wanaagsan yahay, deeqsinimadiisa iyo hodantinimadiisa aan la koobi Karin. Rooma 2:4 “Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?” Rabiga ha idin barakeeyo.

Qore: Shino Gabo.