Yooxanaa 8:32 Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

Dad badan baa isku maleeya inay xor yihiin haddana xor ahayn., Kuwaan waa la haystayaal aan garaneyn cidda haysataa. Waxaa laga haystaa xagga maanka. Dadkani maaha kuwa xor u ah fikirkooda, marwalbana waxaa go’aan u gaara dad kale oo isku haysta inay iyagu Ilaah ka xigaan. Markaad su’aal weydiiso, isla markiiba kaagama jawaabi karaan, waa inay soo weydiiyaan kuwa iyaga maanka ka haysta. Kuwaas waxay u go’aamiyaan ayaana soconaaya.

Xorriyadda dhabta ah waxaa lagu tilmaami karaa markuu qofku u madax-banaan yahay inuu sameeyo waxa ula muuqda inay sax yihiin. Waa kan aamina waxa uu u rumeesto inay sax la yihiin.  Waa qofka ku kalsoon inuu ahaado qofka isagu rabo inuu ahaado.

Haddaba, miyeysan dhab ahayn in runtu ay qofka xoreeyso. waayo runta liddigeeda waxaa ah” been”. Markuu qof beenaale yahay ama been sheego, welwel iyo cabsi ayaa qofkaa la soo deresta, illaa ugu danbeeyntii beentii ay ka daba timaado runta oo qofkii ka xoreeysa welwelkii iyo cabsidii uu ku jiray. Ilaah oo keliya ayaa ah kan runta sheega. Dadku been wey sheegaan oo mar walba lama aamini karo. Laakiin kii Ilaah rumeystaa wuxuu xor u ahaanaayaa inuu si run ah isaga u caabudo una ammaano oo runtana ka hadlo. Yooxanaa 4:24 ” Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta”. Ku walba oo denbi sameeyaa wuxuu adoon u yahay danbiga oo wuxuu u baahan yahay inu ka xoroobo. Haddaba xorriyaddu dhabta ah waxay ku timaadaa rumeysadka la rumeeysta Rabbi ciise Masiix oo ah badbadiyaha iyo xoreeyaha dadka. Yooxanaa 8:36 ” Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan”

Walaalow, ku hadal runta oo rumeyso awoodda runta Ilaah, waayo waa xorriyad Ilaah uu na siiyey weyna ka weyn tahay oo ka fiican tahay tan ay dunida inoo haysaa. Maxaayeelay xorriyadda Ilaah uu ina siiyaa waa awoodda iyo xoogga aan ku beddeli karna wax walba oo aan wanaagsaneeyn. 2Korintos 6:6-7 “annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba”. Amiin.

 

By Shino Gabow.