Falimaha Rasuulada 2:42 Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.

Wehelnimo waa marka ay kulmaan walaalaha masiixiyiinta ah, iyadoo ujeedada ka danbeeysaa ay tahay inay wax wada bartaan, “erayga Ilaah” is caawiyaan is dhisaan oo isku duceeyaan si rumeysadkoda u kobco oo miro u dhalo. Wehelnimada walaalaha masiixiyiinta ah waa arrin aad muhiim ugu ah rumeystayaasha, waayo waa rabitaanka Ilaah.Maxaa yeelay Ilaah wuxuu rabaa inay caruurtiisa wadajiraan oo midaysnaadaan waqti walba si ay cadowgooda ibliiska uga adkaadaan. Haddii walaal Masiixi ah uusan weheltinimo la lahayn walalaha kale, waxay u badan tahay in walaalkaasi ay dabeeshu dhinaca kale u kaxeeso oo aad uga fogeyso miiska boqortooyada Ilaah.

Weheltinimadu waa u muhiim rumeysadkeena. Markaan isku nimaadno midkeenba midka kale ayuu dhiirogeliyaa, waxbaan kala baranaa, waann is xoojinaa. Weheltinimadeena waxay xoojisaa jaceelka aan isku qabno taasoo iyadan dunida kale u muujisa kuwa aan nahay iyo Ilaaha aan rumeysanahay. Yooxanaa 13: 34-35 “Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan. Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan”.

Markaan si wadajira u kulano, kulligeen waxaan dunida u miijinaa nimcada Ilaah. Qof nagamida oo dhameestiran majiro. Kulligeen waan danbaabnaa. Markaan wada kulano looma baahno inaan is xukuno laakiin waa inaan isku nimceeynaa sida uu Ilaah inoo nimceeyey. Midwalba oo nagamida Ilaah wuxuu siiyey haddiyad ruuxiya oo u qaas ah oo uu ugu talagalay inuu ku dhiso weheltinimadeena. Rooma 12:4 “Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn, sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii. Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna”.

Walaalayaal, yeynaan joojinin weheltinimadeena iyo kulanadeena. Markaan kulano hubanti wixii aan Ilaah weydiisano waan heleynaa. Cibraaniyada 10:25 ”Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.

Markaan wadajirno oo aan isku qalbi nahayna waa hubanti inaan barakoobeyno oo Ilaahna kuwa badan inagu soo dari doonao.  Falimaha Rasuulada.2:46-47 “Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen. Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray”. Amiin.

Rabiga ha idin barakeeyo

By: Shino Gabow