Ishacyaah 43:16 “Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya”.

Waxaan aaminsanahay in uu Ilaah awood buuxda leeyahay oo uu wax walbana sameen karo. Wax ku dhib ah Ilaah ma jirto. Laakiin dadka ayaa fikirka qiyaastooda ku xadida Ilaah marka ay noqoto waxyaalaha uu u qaban karo iyaga. Shaqsi walba si qaas ah ayuu fikirkiisa sida uu yahay uga fishaa waxa uu Ilaah u qaban karo. Qof wuxuu aaminsan yahay in Ilaah uu jecel yahay oo uu wax walba oo wanaagsan oo uu weydiisto ka helaayo. Qofna cabir dhexe ayuu qabsadaa oo wuxuu Ilah ka fishaa meel dhaxe, oo aaminsan yahay in waxyaalaha qaar loo aqbalo, waxyaalaha qaarna loo diido. Qofna waxba kama fisho Ilaah oo uu wuxuu ka aaminsan yahay inuusan waxba u ogolayn. Waa sida uu aaminkiisa yahaye.

Haddaba Ilaah waa kan awooda inuu jid ka bixiyo meel aan jid ka jirin. Haddii aad rumeysan tahay in Ilaah uu reer Bini Israa’il jid uga bixiyey badda cas, aqri Baxniintii cutubkiisa 14aad, maxaa ku diideysaa ama uga shakineysaa in Ilaah uu meel aadan waxba ka filayn uu wax wanaagsan kaa siin karo. Ama meel aadan natiijaba ka filayn uu natiijo wanaagsan kaa siiyo.

Haddii aad aaminsan tahay in Ilaah uu Nabi Danyeel ka badbaadiyey bohoshii libaaxyada, aqri Danyeel cutubkiisa 6aad,  maxaad uga shakinaysaa in Ilaah uu xaaladaada uu si wanaagsan wax uga qabto. Ilaah waa kan awooda inuu waxaan weydiisano iyo wax ka sii badan na siiyo. Efesos 2:20 “Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya”.

Walaalayaal, inaan ku kalsoonaano Ilaah waxay keentaa inuu xaaladeheena xakiran uu wax ka qabto si aan qof cadi ah wax uga qaban Karin. Ilaah waa kan awooda inuu wax aan jirin wax ka sameeyo ee aan aamino inuu yahay Ilaah awood baddan leh oo jid ka bixin kara meel aan jid lahayn. 2 Korintos 9:8 “Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan”; Amiin.

By Shino Gabow.

www.jidkajanada.com

www.somalimediaministry.com