Qabriga waa meesha la dhigo jirka qofkii dhinto. Dadka waxay ka soo farcameen Adam. Ilaahna adam wuxuu ka abuuray ciidda, kadibna wuxuu dalooladda sankiisa kaga afuufay neefta nolosha. Adamna qof nool ayuu noqdey.  Aqri Bilowgii 2:7. Danbigii uu sameeyey adam ayaa sabab u noqotey in uu dadku dhinto. Haddii uusan Adam danbaabi lahayn, weligeen waxaan ku noolaan lahayn meeshii wanaagsaneed ay Adam iyo Xawa ku noolaayeen weligeen. Aqri Bilowgii 2:17.

Haddaba qof walba wuu dhimanayaa markii waqtigiisa uu dunida ka dhamaado. Waxaa hubanti ah in jirkii carada laga sameeyey uu dib ugu laabanaayo isla carada. Aqri bilowgii 3:19. Waxaan ognahay in biniadamku ka kooban yahay jir,naf iyo ruux. Jirkii oo ciidda laga abuuray markii wadnihii nafta nolosha siinaayey uu shaqada joojiyo wuu dhintey. Kadibna waala aasaa oo meeshuu ka yimid ayuu dib ugu noqdaa oo ahayd ciidda. Waxaa soo hartey ruuxdii. Su’aasha meeshan taalaa oo dadku inta badan is weydiiyaan waa halka ay ruuxaddani tageeyso.

Sida ay Masiixiyada ina bareeyso, ruuxad walba waa inay dib u dhalataa oo micneheedu yahay inay rumeysato oo adeecdo hadalka Ilaah (Ciise Masiix). Ruuxaddii rumeeysataa Masiixa waxay heleysaa nolol joogta ah, waayo ruuxaddaasi waa ruuxadda qudduuska ah ee weligeed noolaaneysa inkastoo jirkii uu dhintay oo uu meeshuu ka yimid (ciida) dib ugu laabto. Aqri Yooxanaa 11:25-26.  Nolosha joogtada ahina waa Jannada oo Ilaah lala noolaado weligeed. Kii aan ruuxaddiisa dib u dhalan wuxuu waqtiga sarakicidda u sarakici doonaa xukkun, halka kuwa Masiixa rumeestey ay u sara kici doonaan nolosha joogta ah. Aqri Yooxanaa 3: 29.

Gunaanadku waxaa weeye in qabrigu uusan ahayn meel dadku ku laabtaa ee waa meel jirkii ciidda ka yimid uu ciidiisii dib ugu laabto. Sidaa daraadeed looma baahna waxna tari maayaan ducooyinka ah; Ilaahow qabriga u waasici ama qabriga u iftiimi. Dadka qaar ayaaba aaminsan in qofkii dhintey uu cadaabku isla qabriga uga bilaabmaayo iyadoo sidii uu weli noolyahay.

Walaalayaal, si nolosha daa’imka u helno oo aan Ilaah janadiisa ugula noolaano, aan dib uga dhalano xagga ruuxa si aan u helno Ruuxadda qudduuska ah ee Ilaah oo inoo suragelineysa inaynu weligeen sii noolaano kadib markaa ka dhexbaxno jirkii dunida ee aan wadanay intaan nooleen. Ruuxadda Qudduska ahna waxaa lagu helaa rumeysadka Erayga Ilaah (Ciise Masiix). Kii Isaga rumeystaa ma lumi doono ee wuxuu heli doonaa nolosha weligeeda ah. Aqri Yooxanaa 3:16b.

Rabbiga ha idin barakeeyo

Qore: Shino Gabow

www.jidkajanada.com