Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac. Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan. Bilowgii 12:1-3