Shino & Shania Gabo

Waxaan nahay Somali Masiixiyiin ah oo uu Ilaah ku abuuray rabitaan ah inaan aqbaarta wanaagsan u sheegno oo aan gaarsiino dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaa naloogu yeeray inaan dadka oo dhan gaarsiino Hadalka Ilaaha nool. Matayoos 28:19 “Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa”. Waxaan soo dhoweeynaa oo aan la shaqeeynaa cid kasta ama urur kasta oo fekerkiisu yahay inuu Injiilka gaarsiiyo Soomaalida.

Rumeysadkeena

Waxaan rumeysan nahay in Ilaah yahay hal. Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4 ” Maqal, Israa’iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya” Ilaah wuxuu isku muujiyey sadex nooc. Aabaha, Wiilka iyo Ruuxa quduuska. Ilaah waa jaceyl, quduus iyo caadil. Matayos 28:19 “Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa” Waxaan rumeysan nahay in Kitaabka Qudduuska “Bible” uu yahay Ereyga Ilaah oo run ah. Wuxuuna hanuunin dhamaystiran u yahay qof walba oo rumeysan.2 Timoteyos 3:16-17 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan. Waxaan rumeysan nahay in danbi uu soo kala dhexgalay Ilah iyo dadka oo sida kaliya aan Ilaah kula heshiin karnana ay tahay inaan u soo marno Ciise Masiix. ” laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin”. Ishacyaah 59.2 Waxaan rumeysan nahay in Ciise Masiix yahay Ilaah buuxa iyo qof buux . Yooxanaa 1:1 “Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah” Yooxanaa 1:14 “Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii”. Waxaan rumeysan nahay in Ciise Masiix yahay waddada keliya oo Ilaah loogu tago, la’aantiisa ay dadka oo dhan ay lumayaan. Yooxanaa 3:36 “Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga”. Waxaan rumeysan nahay in Ruuxa Qudduska yahay gargaareheena. Wuxuuna nagu hogaamin doonaa dhinac walba oo nolosheena ah. Wuxuuna nagu barakeeyaa haddiyadaha ruuxa wuuna na xoojiyaa si aan mirraha ruuxadda u helno. Yooxanaa 14:26 “laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi.” Waxaan rumeysan nahay in badbaadadu tahay haddiyadda Ilaah oo lagu helo rumeysadka Ciise Masiix. Efesos 2: 8-9 ” Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin”.