Talaabooyinka Ilaah loogu tago

1

Ilaah wuu jiraa, wuuna ku jecel yahay. Sabuur 19:1 / 1Yooxanaa 4:8

Ilaah jiritaankiisa waxaa cadeen u ah waxyaalaha uu sameeyey sida dhulka, cirka iyo dadkaba. Ilaah wuxuu dadka u abuuray jaceel uu u qabo aawadeed iyo in ammaantiisa ay iyaga ka muuqato. Ilaah dadka uu abuurtey oo dhan wuu jecel yahay, wuxuuna rabaa inay kulli wada badbaadaan oo ay gartaan Runta.

 

2

Danbiga ayaa dadka iyo Ilaah kala fogeeyey. Bilowgii 2:16-17.

Nolasheena qof kasta oo naga mid ah wuu danbaabaa waana dhaxal. Danbiga wuxuu dumiyaa xiriirka aynu la lahayn Ilaaheena na jecel.. Waana sababta aan u dareeno in wax naga maqan yihiin. Waxa naga maqan waa xiriirka Ilaah oo ku soo noqon kara inaan aqbalno heshiiska uu Ilaah dadka kula heshiiyey Ciise Masiix.

3

Ciise Masiix waakafaaragudka  danbiga dadka. 1 Yooxanaa 2:2

Ilaah wuxuu soo direy wiilkiisa kaliya Ciise Masiix inuu noo dhinto anaga oo uu madax furasho noogu noqdo. si aan markale xirri ula yeelano Ilaaha na jecel. Qof walba oo aqbalaa haddiyadda Ilaah oo ku timid Ciise Masiix, dib danbe ugama lumi doono Ilaah, laakiin wuxuu lahaan doonaa nolosha weligeed ah oo ah janada.

4

Waa inaynu Ciise Masiix u aqbalnaa Badbaadiye. Rooma 10:7-10

Si loo cafiyo danbiyadeena. waa inaan u aqbalnaa Ciise Masiix inuu yahay Ilaah Eraygiisa oo jir bini-adam soo qaatay si uu danbiyadeena jirkiisa ugu qaado. Annaga isma badbaadin karno. Sidaa daraadeed ayaanu u baahanahay nimcada iyo naxriistiisa Ilaah oo ah rumeysadka Ciise Masiix si aan Janada u helno.

Marqaatifur

Latest

Nala soo xiriir