Ducada Qirashada Rabbiga

Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka, Iyo Ciise Masiix, oo ah Inankiisa madigaa, Inuu yahay Sayidkeenna, In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, Oo uu ka dhashay Maryan oo bikraa, Oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, Oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay, Oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, Oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigtaa Oo Ilaah Aabbaha Qaadirkaa; Oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuskaa, Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamigaa, ururka awliyada, cafiga dembiga, Sarakicidda jirka, iyo nolosha daa’imiskaa. Aammiin.
 

Read More

Tukashaduu Ciise Xertiisii Baray

Matayos 6:9-13
9 Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado. 10 Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. 11 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. 12 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

Read More

Nala soo xiriir