Qofka Soomaaliga ah kolkuu runta garto oo uu ku badbaado nimcada Ilaah oo uu noqdo Masiixi, waxaa la soo gudboonaada dhibaatooyin iyo cadaadis kaga yimaada dadkiisa soomaalida ah. Waxaa dhacda in dad badani ay xiriirka u jaraan qofka masiixiga noqda, qaarna ayba ugu hanjabaan inay dilaan. Ficilladani iyo kuwa kaloo badan waa qaabka lagu ilaaliyo rumaysad ama ideoligyad aan ku qottomin runta. Sababta tani u timaado waxa ugu wacan in ay soomaalida ku kalsoonayn waxa ay aaminsan yihiin una arkaan in haddii ay soomaalida Masiixiyiin noqdaan oo sidaa lagu sii daayo oo xoriyad la siiyo, in Soomali badan ay ka baxsan doonaan waxa ay hadda aaminsan yihiin. Yeremyaah. 24:7 “Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan”.
Walaalaha Masiixiyiinta Soomaaliyeed, waxaad ogaataan in haddii ay albaabo xirmaan, Ilaah wuxuu furaa albaabo ka wanaagsan kuwii hore. Albaabab uu Ilaah furay cid xiri kartaa ma jirto. Haddii dadka qaar ay nolosheena ka baxeen kolkaan Masiixiyiin noqonay, Ilaah ayaa dad kale oo ka wanagsan ku soo dari doona nolosheena sida uu isagaba ballan qaaday.Luukos 18:28-30 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Waxaan mar walba ku duceeysanaa in Ilaah uu inoo furo albaabo, taasi waa wanaagsan tahay. Waxaase jira albaabo nagu furan oo u baahan in nalaga xiro. Sabuurradii 139.1-3 “Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay, Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa. Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan”. Ilaahow albaabada wanaagsan noo fur-fur, kuwa nagu furan oo xun-xuna Ilaahow naga xir. By Shino Gabo