Dad badan ayaa tashwiish uga jiraa farqiga u dhexeeya Adam iyo Ciise Masiix. Farqigaasna waxaa keenay kala duwanaanta sida uu rumeysadku yahay. Hase ahaatee dhabtu waxay tahay in Adam Ilaah uu ka abuuray ciid, kadibna naf ayuu ku afuufay. Bilowgii 2:7 “Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf noo”l. Noole kastaana wuu dhintaa oo ciidda ayuu u noqdaa. Haddaba, Adam, Ilaah wuxuu ku abuurey waa Eraygiisa, oo wuxuu yiri ahow nafle, wuuna ahaaday qof nool.

Dadka oo dhaan waxaa ka soo farcameen Adam yo Xawo, sidooda oo kale ayeeyna u danbaabaan una dhintaan. Masiixa waa Erayga Ilaah oo wax kastaa abuura laguna abuura John 1:1 Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. 2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. 3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la’aantiis. Erayga Ilaah lama abuurin ee weligii wuu jiray intuu Ilaah jiray oo dhan, Ilaahna bilow ma laha, ee wuu ahaa. Waa sida magaciisa uu yahay uuna isugu sheegay Muuse ” waan ahay, I AM ” (Baxniintii 3.14). Farqiga weyn ee u dhaxeyaa waa in mid yahay (Masiix) abuure midka kalena la abuure. Mid ( Masiix) wuxuu ka yimid Jannada oo wuxuu u noqdey Jannada, midka kalena (Adam) wuxuu ka yimid ciidda wuxuuna u noqdey ciidda sida dadka kale oo dhan. (Aqri 1Corintos 15:45-48).

Waxaan wada ognahay in dadku ay ka soo farcameen Adan iyo Xaawa, sidaas oo ah soojireen iyo habka caadiga ah oo uu dadku ku farcamo. Waan wada ognahay in Ilaah awood u leeyahay inuu wax walba sameeyo. Su’aasha aan rabaa inaa aqriyaha weydiiyo waa: Haddii uu Ilaah raboodo inuu dadka ugu yimaado dhulka oo ah halka ay ku nool yihiin, habkee ama qaabkee ayaa kula macquulsan inuu ku yimaado? Ma sida geela, lo’da, geed, dhagax mise sidii qof oo kale? Jawaabtu way iska caddahay wuxuu ku imaan lahaa sidii qof oo kale.

Haddaba, gabar bikad ah ayaa uureysatay oo dhashay Ciise Masiix. (Aqri Ishacyaah 7.14 / 9.6). Eraygii Ilaah oo gabadhaa bikrada ah lagu afuufey, ayaa jir noqdey oo dadka dhex yimid. Yooxanaa 1:14 ” Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa”.
Sida aan kor ku soo sheegnay, qofkastaa oo noole ahi waa dhintaa sida Adan iyo dadka kale oo dhan. Masiixana xagga jirka wuu ka dhintey, laakiin wuxuu kaga duwanaaday Adan iyo dadka kale isagu wuu ka sara kacay dhimashada, sidii uu hore ugu sii sheegay intuu noolaa, waayo dhimashadu awood kuma lahayn isaga sida dadka caadiga ah. 1 Butros 3.18 … “Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey”.

Gunaanadku waxay yahay in Adam uu ahaa noole, Ilaahna ku abuuray Eraygiisa ( Masiix), kadibna dhintay, mid walboo noolna uu ka soo farcamay isaga oo sidiisa oo kale dhiman doona. Laakiinse Ciise Masiix uu yahay kan uu yahay oo ah Erayga Ilaah ee jiray , jirina doona weligii, awood badanna leh oo wax walba nooleeya.1Korintos 15:22 “Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa”, Rabiga ha inoo ifiyo garashadiisa. Qore: Shino Gabo.