Rom 12:14 U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

Waxaa marba marka ka danbeeysa sii kordhaaya in Masiixiyiinta soomaaliyeed loo hanjabo, la caayo, la silciyo oo la habaaro. Laakiin Ilaah wuxuu na baray sida wanaagsan oo aan uga gudbi lahayn oo uga hortagi lahyayn dhibaatadaan baaxadda weyn. waayo Ilaah isagaa ka weyn dhibaatada. Kolkaan u duceeyno kuwa na caya, na habaara ama na silciya waxaba suurtowda in iyaga laftigood ay ka badbadan xumaanta ay ku dhex jiraan. waayo caay, silcin habaartan, dil iwm waa shuqullada sheydaanka oo kuwa sameeyaana waa ka gees Ilaah. sidaa daraadeed haddii ay Masiixiyiinta la kulmaan arrimaha noocaan oo kale Ilaah wuxuu ku dhiira gelinaayaa in sharka aan wanaag kaga gudubno. Rom 12:20-21 “Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow”.

Waxaa aad ii farxd gelisa beryahaa markaan arko sida wanaagsan oo edebta leh oo ay walaalaha masiixiyiinta ula dhaqmaan oo ugu dulqaataan oo uga jawaabaan dhibaatooyinka ay ka mid yihiin cayda, habaarka iyo hanjabaadda ay kala kulmaan social media ay ka mid yihiin Facebook iyo youtube-ka. Waxaana halkaa ka muuqata sida ay u kala duwan yihiin kuwa Ilaah iyo kuwa sheydaanka. Sabuur. 37:3-4 “Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo”.

Walalahayga qaaliga ahow, haddii aan dhibaatooyinka kala nooc nooca ah ee dunida aan la kulano, yeynaan qalbi jabin oo isku dhiibin kan xumaanta ka shaqeeya iyo dadkiisa ee aan u soo cararno Ilaaheena na jecel oo inoo ballan qaaday inaan isaga daraadii kaga adkaaneyno dhib kasta. Yooxanaa 16.33b “Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye”. Nabadda Ilaah qalbiyadeena ha dhowrto. Amiin.

By Shino Gabo