1 Timoteyos 1:7 “Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka”.

Cabsidu waxay keentaa welwel iyo degganaan la’aan. Waxaa wanaagsan inaan mar walba ogaano in cabsidu ay tahay qalabka ugu weyn oo uu isticmaalo sheydaanka si uu kaaga qal qal geliyo nolosha Ilaah jecelyahay inaad noolaato oo ah nolol farxad, nabad iyo jacay badan. Marka uu sheydaanka kugu soo weeraro hubkiisa cabsida iyo welwelka, ogow inaad haysatid hub kiisa ka sii weyn oo ah jacaylka Ilaah. Haddii aad og tahay oo ay kaa dhaadhacsan tahay in Ilaah ku jecel yahay oo ku kalsoontahay in jacaylkiisu ka awood badan yahay cabsida, markaas waxba kama qaadeyso. Waayo jacaylka Ilah ayaa ka awood badan cabsida oo dibadda u saara. 1Yooxanaa 4:16. “Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka”.

Haddii aad ka welweshid waxa berito dhacaaya ama aad ka baqatid waxa kugu soo fool leh, taasi waxay dhalinaysaa in sheydaanku kaa xado farxadda aad ku noolaan lahayd maanta. Walaal, ogow arrinka berrito oo ah wax mustabal ah, wuxuu gacanta ugu jiraa Ilaah. Ilaahna wuu ku jecelyahay ee ku joog oo ku naso in berrito ay iyada isku welwesho adna ku seexo jacayka aan shardiga ku xirneyn oo uu Ilaah kuu hayo.
Matayos 6:34 “Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay”.

 

Walaalayaal, Ilaah wuxuu rabaa in dadkiisu ku noolaado nolol farxad joogta ah leh mar walba. Taasna waxaan ku hanan karnaa markaan naqaano sirta cadowgeena, kaasoo ah sheydaanka. Waxaana sirtiisa ku garan karnaa inaan aad u feejignaano oo ruuxadda ku soo jeedno marwalba anagoo tukaneeyno oo duceeysaneyna oo Rabbigana ammaaneeno. Kolkaa sheydaanku ma helaayo meel uu isku soo ciriiriyo oo naga soo weeraro si uu u xado farxaddeena. “Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. 9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira” 1 Butros 5:8-9.

By Shino Gabo