2 Korintos 5:21 “Wuxuu isaga ( Ciise Masiix ) oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga”.

Danbigu waa wax bini-adamka uu ku dhasho oo ah dhaxal aan ku helnay ahanshaha aan nahay kuwa ka soo jeeda oo ka dhashay kana soo farcamay Adam. Haddaba ma qof baa inkiri kara inuusan danbaabin? waa maya, waayo kulligeen waan danbabnaa. Rooma 3:23 “Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah”. Waxaanu ognhay inuu jiro mid qura oo jir bini-adam ku yimid dunida oo aan weligii danbabin, kaasina waa Ciise Masiix, oo ku yimid qorshaha Ilaah inuu danbiga oo ah kan kala qariya dadka iyo Isaga uu isku-tillaabta ku qaado. 1Butros 2:22 “Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin”. Sidaa dareed waxaa wangsan inaan fahamno in qof danbiile ah uusan qof kale danbigiisa qaadi karin, laakiin Ilaah wuu awoodaa inuu sidaa sameeyo. Danbi inuu yimaado oo uu qofku xumaan sameeyo waxaa sababa sheydaanka oo adeegsada qofkaas si uu Ilah ugu qaldamo. Ilaahna wuxuu inoo soo diray Masiixa si uu danbiyadeena dushiisa uu ku qaado si aan xiriir toosan ula yeelano Isaga.

Haddaba waxaa is weydiin leh maxaan weli u danbaabnaa haddii Masiixa uu danbiyadenii uu isku-tillaabta ku qaaday? Weli waan danbaabnaa, maxaayeelay waxaan nahay bini-aadam ku dhashay danbiga Sabuurradii 51:5 “Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi”. lakiin aqbaatra wanagsan waxay tahay in inta rumeysatey Masiixa danbiga uusan awood iyo cabsi ku lahayn. Haddii ay si kama’ ay u danbabaan, waxay rumeeysan yihiin ooana ah run in badbaadiyahooda ( Masiixa ) uu nool yahay oo dhiigiisa ayaa mar walba masaxa oo nadiifiya. 1Yooxanaa 1:7 “Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan”.

Walaalayaal, Adam wuxuu la yimid danbi iyo dhimasho, sida aawadeed ayey dadka oo dhan u danbaabaan oo u dhintaan. Laakiin Ciise Masiix wuxuu la yimid nolol iyo xaqnimo. Sidaa aawadeed kii Masiixa rumeeystaa weligii wuxuu ku noolaan doona xaqnimo. Rooma 5:18 ” Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan”.
Haddii aad rabtid inaad heshid haddiyadda xaqnimada iyo nolosha daa’imka ah rumeeyso Rabbi Ciise Masiix oo ah kan keliya ood ku badbaadi kartid adduunyo iyo aaqiraba. By Shino Gabo

Edit