Matayos 6:3 “Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso,”
Sadaqada, tukashada iyo wixii cibaado ahba oo Ilaaah daraadii loo sameeyaa waxaa wanaagsan inay yihiin mid u dhexeeysa Ilaah iyo qofka cibaadeysanaaya oo waxa wanaagsan Ilaah daraadii u sameeynaaya. Waxaa beryahan aad u soo badanaaya in dadka qaarkood ay sadaqo baxsadaan iyagoo ka dibna dadka u muujiya sida sadaqada ay u baxsadeen. Kamero inta laga suu duubo dad masaakiin ah oo wax la siinaayo ayaa waxaa la leeyahay waxaa ku siisay hebel ama heblaayo ee u ducee. Sadaqadaasi ma mid Ilaah daraadii loo bixiyaa mise waa mid istus-tus loo bixiyey.

Haddaba kuwa sidaa sameeyaa abaalgudkoodii way heleen. Abaalgudkooda wuxuu noqday qasaaro oo waxba maysan ka helin Ilaah xaggiisa. Matayos 6:2 “Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen”.
Tukashadana waa la mid oo waxaad arkeysaa dad badan oo isku soo baxa waddooyinka oo ku tukada si dadku u arkaan oo u ammaanaa waxa ay sameeynaayaan. Kuwanna abaalkoodii way heleen oo iyagana way qasaareen oo Ilaah xaggiisa waxba kama ay helin .Matayos 6:5 “Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen”.
Walaalayaal, wax walba oo cibaado ah oo aan Ilaah ugu dhowaaneeyno, waa wax shaqsiga iyo Ilaaha abuurtey qaas u ah oo aan loo baahneeyn in dadka kale ay ku lug lahaadaan. Sidaa daraadeed wax kasta oo aan cibaado ahaan u sameeyneyno aan u sameeyno si daacad ah oo annaga iyo Ilaah inoo qaas ah. Kolosay 3:23 “Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn”,By Shino Gabo.