Dad badan baa waxay walaalaha Masiixiyiinta soomaaliyeed weydiiyaan maxaa kugu
kallifay inaad noqotid masiixi? Kallifaad waxaa la yiraah marka ay qof wax qasbaayaan
si uu u beddelo fekerkiisa ama waxa uu qabanaayo. Masiixiyada maaha mid dadka
lagu kallifo ee waa doorasho uu Ilaah doorto kuwa ka jawaaba haddiyadda jacaylkiisa
Waayo Ilaah ayaa jacaylkiisa u muujiyey dadka oo dhan kolkuu jir bini-aadam dhulka
ku yimid si uu dadka ulaheshiiyo. Joh 3:16 Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu
siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse
uu lahaado nolosha weligeed ah.

Kii walba oo ka jawaabaa martiqaadka badbaadada oo ku salaysan haddiyadda jacaylka
Ilaah wuxuu noqdaa masiixi. Masiixiyiinta soomaaliyeed iyo inta masiixi ah oo dhan
waa kuwa uu Ilaah doortey si ay iyagana u ahaadaan kuwa mira dhala oo mirohoodna
ay weligood sii jiraan. Yooxanaa 15:16 “Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin
doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu
sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo”. Taas
micneheed waxay tahay, midkasta oo masiixi ah wuxuu sii sheegaa aqbaarta
wanaagsan (Injiilka) si qof walba oo dunida ku nool uu u helo badbaadada ku timaadda
Rabbi Ciise masiix oo keliya. Matayos 28:19 “Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer
ka dhiga oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, “,

Walaalayaal, Masiixi waa qofka raacaa Rabbi Ciise masiix oo ah jidka keliya oo la hubo inuu yahay kan lagu badbaado oo lagu tago jannada. Weligaa meel kale kuma arkeeysid sida kalsoonaanta leh oo ay kitaabka qudduuska ugu qorantahay waxaan ahay “JIDKA”. Jidka ay dad badan ay weli raad- raadinaayaan. Jidku waa Masiixa oo idin leh : “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee”. Yooxanaa 14.6. BY Shino Gabo.