Matayos 16:28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

Nolosha ay Masiixiyiinta ay dunidan ku noollyihiin waa nolol kumeelgaar ah. Laakiin nolosha joogtada ah waxaa lagu helaa rumeysadka kan weligii nool (Ciise Masiix) si dadku waqtiga danbe ula noolaadaan badbaadiyohooda. Dhimashada aayaddan kore laga hadlaayaa waa kala fogaanshaha dadka iyo Ilaahooda. Waayo aabeheen Adam kolkii uu danbaabay isaga iyo Ilaah way kala fogaadeen oo waxaa kala qariyey danbigii uu galay. Hadaba, Ilaah ayaa dadka kula heshiiyey isagoo ku jira Ciise Masiix, si dadka iyo Ilaah ay xiriir joogta ah oo abadiyan ah u yeeshaan. 2 Korintos 5:19 “taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada”.

Masiixiyiinta waxay durbadiiba nolosha joogtada ah ku haystaan rumeysadka Ciise Masiix, waayo sida qoran kii wiilka rumeeystaa wuxuu lahaan doonaa nolosha weligeeda ah. Yooxanaa 3.36 ” Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah”. Taasina waa ballanqaad uu Ilaah dadkiisa oo dhan u ballanqaaday. Hoosheeca 13:14 Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She’oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada.

Walaalayaal, dhimashada waxaa kena danbiga. Qofna iskama ilaalin karo inuu danbaabo, waayo waa dabeecad ku abuuran aadanaha oo dhan. “Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah” Rooman 3:23; Sidaa daraadeed ayuu Ilaah haddiyad inooga dhigay kan qudduska ah ee Ciise Masiix. Isagoo xitaa jir aadami ah wataa uusan danbaabin, si ku walba oo isaga rumeeysta uu qudduus ugu ahaado Isaga, waayo qofna Ilaah ma arki karo isagoo aan qudduss ahayn. Kolosay 1:22 “laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn”,  Walaalayaal rumeysta Ciise Masiix si aad u heshaan nolosha joogtada ah oo aan dhamaadka lahayn oo Ilaah idiinku ballan qaaday rumeysadka Eraygiisa.

By Shino Gabow.