“You shall not kill”.

Baxniintii 20.13 ” waa inaadan qudh gooyn”.

Dilka ama qudh goynta waa falka ugu xun oo uu qof bini-aadam ah sameeyo. Qofna wuu ka xumaadaa falkaa xun oo uu qofkaasi ku kacay, qofna wuu ku farxaa isagoo farxaddaasi ku muujinaayo inuu ku taageersan yahay ficilkaas aadka u xun. Sababta uu Ilaah dadkiisa u leeyahay ” waa inaadan qudh gooyn” micneheedu waxay tahay si loo ilaaliyo sharafta uu Ilaah siiyey nolosha. Kii ku xadgudbaa oo qof kale dilaa iyo kan ku raacsan, labaduba waxay ku xad gudbeen sharciga uu Ilaah rabo in dadku ay si nabad ah u wada noolaadaan. Haddii ay dhacdo in qof uu ku xad gudbo sharciga Ilaah oo uu qof dilo, maaha in qof kale ama koox ay u aargudo, laakiin waa in sharcigas Ilaah leeyahay Isaga loo daayaa. Waayo isagaa wuxuu yiri:

“Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay”.Rooma 12.19. Sharciga ama qaynuunada Ilaah waxaa fiican in isaga loo daayo. Waa isaga kan ina abuurey oo yaqaana waxa inoo wanagsan Isagaana ka abaalmarin doona kii ku xad gudba.

Walaalayaal, haddii Ilaah ina leeyahay yaan qudh la goyn, waa inaan u hanuunsanaanaa guubaabada Ilaah oo aan qiimaynaa nolosha uu Ilah ina siiyey. Waxaa habboon inaan iska ilaalino sheydaanka oo mar walba isku deya inuu wax ka beddelo hadalka Ilaah si dadku ugu qaldamaan Ilaah. Sabuurradii 34:14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada. By Shino Gabo