Dad ayaa isku daya inay Ilaaheena dadka oo dhan isku si u wada jecel ka dhigaan sida kan iyaga u sawirran oo qaarna jecel qaarna neceb. Yeremyaah 31:3 “Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa’im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay. Ilaaha an aaminsanahay waa mid dadka oo dhan jecel isagoo aan shuruud ku xirin jacaylkiisa daa’imka ah”. Ilaah isagaa ina sii jeclaaday intaynaan inaga jeclaan oo aan baran jacaylkiisa ka hor. 1Yooxanaa 4:19 “Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday”.

Dadka dunida ku nool siyaabo kala duwan oo kala naxriis duwan ayey dadka lagu magacaabo curyaamiinta ula dhaqmaan. Sida ay ula dhaqmaana wuxuu salka ku hayaa fekerka ay Ilaahooda ka qabaan habka uu ula dhaqmo kuwa curyaamiinta. Markaan leenahay kuwa curyaamiinta waxaa loola jeedaa kuwa ay lexdooda lexaad ay wax u dhiman yihiin sida: Indhoole, luga-laawe, dhagoole, tuurre, gacmolaawe iwm. Haddaba, Ciise Masiix oo ah Ilaah oo isku muujiyey si qof ah kolkuu dunida joogay waxyaalihii uu sameeyey aan wax yar ka fiirino, iyadoo uu Masiix yiri kii i arkay wuxuu arkay Ilaah. Yooxanaa 10.9b “Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus”? Masiixiyiintana sida uu Masiixa ula dhaqmay dadka ayey iyagana ula dhaqmaan dadka ay la nool yihiin.

Ciise masiix wuxuu la kulmay naag 18 sanadood cudur qabtey oo isku soo jabneed oo ma awoodin inay is toosiso. Ka sii aqriso (Lukoos 13: 10-16). Wuu taabtay si ay u bogsooto oo u toosnaato si caadi ah. Taasi miyaaney ahayn in Ilaah jeclaa naagtaas tuurta leh? Masiixa wuxuu la kulmay nin 18 sanadood bukey oo ka kici waayey gogoshiisa. Kolkuu Masiix arkey ninkaa ayuu ku yiri kac oo sariirtaada qaado waad bogsootaye. Aqri (Yooxanaa 5:5-15). Ninkii waala bogsiiyey. Taasi miyaaney ahayn in Ilah jecelyahay kuwa buka?. Ciise Masiix wuxuu la kulmay nin indhoole ah uu jidka ku tuugsanaayey. Wuu u istaagay oo taabtey indhihiisii, ninkiina isla markiiba wax buu arkay. Aqro Lukoos (18:35-42). Taasi miyeyna ahayn in Ilaah jecel yahay kuwa indhaha la’. In kaloo badan oo ku tuseeysa sida uu Ilaah dadkiisa u jecelyahay waxaad ka aqrisan karta Kitaabka Qudduuska ee ha dhageysan hadakla aan raadka lahayn oo ay ku hadlaan dadka ka soo horjeeda jacaylka, naxriista, nimcada iyo hodntinimada Ilaah.

Walaalayaal, halkaan waxaan ka aragnaa in Ilaaha aan caabudnaa uu yahay kan dadkiisa oo dhan jecel, siduu doono qofku ha u ekaadee ama xaladduu doonaba ha ku jiree. Maxaa yeelay Ilaah dadkiisa uma kala eexdo.(Rooma 2:11). Ilaah dadkiisa isku si ayuu u jecel yahay, wuxuuse necebyahay danbiga. Rooma 12:9 “Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada”. By Shino Gabo