Rooma 8:1 Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
Dadka diimaha rumeysan waxay isku raacsan yihiin in waqtiga danbe “Aaqiro” uu xukun jiro. Waxayse isku raacsaneen sida uu xukunkaasi u dhici doono. Dad badan baa rumeeysan in ay xukunka kaga gudbi doonaa oo ay jannada ku geli doonaa shuqulladooda wanaagsan oo ay sameyeen kolkii ay dunida joogeen. Waxaan ognahay taasi inaysan suurageli karin, waayo xukunku wuxuu ku saleeysan yahay qudduusnaan lagu cabiraayo heerka uu Ilaah qudduuska u yahay. Waxaan ognahay in bai-aadamku dnbaabo waqti walba ( Rooma 3.23). sidaa daraadeed uusan jiri kari mid quduus ah oo aan Ilaah ahayn. Hadaba haddii qof uu yiraahdo ma danbaabin , kaasi wuxuu noqday beenaale ama Ilaah ayuu been ka sheegay ( 1Yooxanaa 1.8,10). Taasi waxay caddeeyneeysaa inaan jannada lagu geli karin shuqul wanaagsan oo uu qofku sameeyo, waayo naguma filna.

Masiixiyiinta waxay rumeysan yihiin in lagu badbaadi karo oo jannada lagu geli karo oo keliya naxriista iyo nimcada Ilaah oo la qaato. waxay rumeysan yihiin inay danbiilayaal yihiin oo ay u baahan yihiin badbaadiye. Efesos 2:8 ” Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin”. Haddaba nimcadii Ilaah way timid oo u muuqatey dadka oo dhan. Ilaah oo ku dhexjiraa Masiix ayaa dunida yimid si uu danbiyada dadka ka hortaagan inay jannada galaan ka hor qaado oo uu dushiisa ku qaado si ay u badbaadaa. Waxaan ognahay in Ilaah waqtiga danbe uu wax ku xukumi doona Hadalkiisa kaasoo ah Ciise Masiix oo dadka kula heshiiyey jirkiisa bini-aadamka ahaa ee isku-tilaabta uu ku bixiyey. Kolosay 1:22 “laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn”,

Walaalayaal, shuqul wanaagsan oo aan ku badbaadi karnaa ma noqon doon “enough” mid nagu filan, waxaanse u baahanahay naxriista iyo nimcada Ilaah oo lagu muujiyey Ciise Masiix. Kii isaga rumeystaa ayaa ah ka badbaadaya oo galaya jannada. Ha quursan wanaagga uu Ilaah kuu sameeyey oo uu kuugu naxriistey si aad Isaga ugu timaadid jacayl uu kuu qabo aawadeed. Efesos 2:4 “Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn”. Nimcada iyo nabadda Ilaah ha inoo badato.

By Shino Gabo