1 Kor. 12:4 “Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux”.

Ilaah wuxuu Masiixiyiinta siiyey haddiyado kala duwan si ay kaniisadda u xoogeysato. Dadka qaarkood ma yaqaanaa waxa ay tahay haddiyadooda, qaarna waxay haddiyaddaas u isticmaalan si qaldan oo uussan Ilaah raalli ka ahayn. Haddiyadaha uu Ilaah siiyey dadkiisa wuxuu ku siiyey si bilaash ah, umana baahna in loo isticmaalo dano dad qaas ah ama si shaqsiyadeed.Haddii taas ay dhacdo waxaa suurtowda in uu Ilaah qofkaas kala laabto haddiyadaas . Haddiyadaha nala siiyey haddaan sida saxda ah u isticmaalno waxaan nolosheena ka arkeeynaa waxqabadka la yaabka leh ee Ilaah. Mat 5:8 “Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan”.

Haddii uu Ilaah ku siiyey haddiyada duceeynta, micneheedu waa inaad u duceeysaa dadka oo dhan si aan eexasho iyo laa- laab ku jirin. Ma aha inaad adiga xulatid kuwaad u duceeyneeysid , laakiin Ilaah ayaa kuu xulaaya, si u suurtowdo in dadka oo dhan si kal iyo laab ah ugu duceeysid.1Ti 2:1 “Sidaas daaaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan”,

Ka warran haddii aad tahay qof Ilaah siiyey hadiyadda heshiisiinta, oo adna intaad heshiisiintooda ka shaqayn lahayd aad tirahdo: kolkaad heshiisaan ayaan is arkeeynaa ee nabadeey. Taas waxay muujinaysaa inad ka sii carareeysid wax ku qabadka haddiyadda uu Ilaah ku siiye. Waxaa wanagsan inaad haddiyadaas u isticmaashid sida uu Ilaah raalli ka yahay oo ah inaad noqotid nabad abuure. Mat 5:9 “Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah”.

Haddii uu Ilaah ku siiyey haddiyadda wacdinta, micneheedu waa wacdi dadka oo dhan ee maaha inaad group kaliya wacdido oo aad kuwana ka leexatid si ula kac ah. Rom 10.15b ” Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan”.
Walaalayaal, yeynaan dayacin haddiyadaha Ilaah ina siiyey. Wuxuu Ilaah haddiyadihiisa kala nooca ah inoo siiyey inaan Kaniisadda ku dhisno oo ku adkeeyno, ee aan mar walba dhegaha u dhigno oo adeecno sida wanaagsan oo uu Ilaah u rabo inaan u isticmaalno haddiyadihiisa kala duwan. 1kor 14:12 Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda. Nimcada Rabbi ciise Masiix ha inala jirto kulligeen. Amen. By Shino Gabo.