Kolosay 3:17 “Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga”.

Waxaan ahay qof u shaqeeya kaniisadda Ciise Masiix, waana ku faraxsanahay, waana sidaa oo kale qof walba oo Masiixi ah. Kaniisadda waxa ah dadka rumeeystay Ciise Masiix oo dhan. Wax walba oo aan sameeynaayana waxaan u sameeyaa Ciise Masiix, sida uu Isagaba aniga iyo walaalaha Masiixiyiintaba faray. U shaqaynta kaniisadda micneheeda waxay tahay inaad wax walba oo wanaagsan hadal ama shuqulba aad ugu adeegtid oo wax ugu qabatid Masiixiyiinta. Waana sababtaa midda uu Ilaah inoo doortey inaan isku adeegno oo miro wanaagsan dhalno. Cibraaniyada 10:24 “Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan”.

Kolkaa ma wax laga xishoodaa ama laga faanaa inaad tahay qof u shaqeeya Kaniisadda? Jawaabtu waa maya, oo weliba waxaa ku sii barakeeynaaya Ilaah oo ballan qaaday kii wax yar u qabtaa caruurtiisa, inuu Isaga uu wax badan u qaban doona. Matayos 10:42 “Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba”.

Haddaba waxaa jira kuwa xumeeya ama xumaan ka faafiya micnaha u shaqeeynta Kaniisadda iyo dadka Kaniisadda u shaqeeya. Kuwaasi waa kuwa sheydaanka u adeegsado inaysan Kaniisadda shaqayn oo marnaba xoogeysan oo aysan midoobin. Dadkaan waxaa lagu gartaa mirohooda, oo waxay ku daba jiraan oo xumaan iyo been ka faafiyaan kuwa u adeega Ilaah. Iyagana uma shaqeeyaan kaniisadda mana rabaan in kaniisadda shaqayso oo dadkeedu isugu xirnaado midnimo, nabad iyo jacayl. Baxniintii 23:1 “Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone”. Waxaa wanaagsan in laga fogaado dadka noocaan oo kale ah oo loo duceeyo si ay xumaanta uga haraan.

Walaal, ha dhagaysan kuwa kuu xumeeynaya inaad shuqul wanaagsa u qabatid Kaniisadda, waayo adigaba waxaad ka mid tahay kaniisadda. Qofa haddusan Kaniisadda u shaqayn wuxuu ka shaqeeyaa duminteeda. Haddaba si Kaniisadda u dhisnaato oo si wanaagsan u shaqeeyso, waa inaan wax walba oo wanaagsan isku qabanaa sidii anagoo u sameeyneyna Ilaah. kolosay “3:23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn”, By Shino Gabo.