Su’aashaan dad badan ayaa is weydiiya marwalba, hadday ahaan lahaayeen kuwa Ilaah rumeysan iyo kuwaan rumeysneenba.

Ilaah waa kan waxwalba oo dunida yaalaa abuuray iyo waxwalba oo aan ka aragno circa iyo waxwalba oo ku jira biyaha. Waa xikmadda iyo awoodda ka danbeeysa wax walba oo uu dadku arko amaba yahay. Sidaa daraadeed, luqadaha kala duwan ee dunida aawadeed, ummad walba kaas awoodda badan leh wuxuu u yahay Ilaah. Soomaaliga waa Ilaah. Carabiga waa Allaah, Ingriisiga waa God, Taliyaaniga waa Dio iyo sidaa oo kale.  Haddaba Ilaahaas Magaciis?.

Isla su’aashaan ayaa Nabi Muuse weydiiyey Ilaah, markii Ilaah uu u doortey Muuse inuu Reer bini Isra’il ka soo saaro gacantii gumeysigii Masar iyo Fircoon. Baxniintii 3: 13 “Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa’iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa?.

Ilaah ayaa u jawaabay Muuse oo ku yiri: Baxniintii 3: 14 “Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa’iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.

Waxaaa qoraaladaan kore ka muuqda in uu Ilaah doortey in loogu yeero kan uu yahay. Micnaha “waan ahay” waxay muujineysaa in Ilaah qof walba uu u yahay kan isaga ama iyada ay doorato inuu u yahay. Kaasoo u noqonaayaa magaca uu qofkaasi Ilaahiisa ugu yeero. Ilaah waa mid wanaagsan, magacyada ay dadka ula baxaana waxay ka tarjumaan astaanta wanaaggiisa.

Haddaan nahay Masiixiyiin, waxaan rumeysanahay in Ciise Masiix uu yahay Erayga Ilaah oo jir noqday oo dunida imaaday si uu dadka u baro kan Ilaah uu yahay. Ciise Masiix wuxuu ahaa wixii ugu wanaagsanaa oo uu Ilaah siiyey biniaadamka. Yooxanaa 3.16 “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. Sidaa daraadeed, Ilaah wanaaggiisa wuxuu inoogu muujiyey si jacayl ah, isagoon inaga laxjecleysan wixiisii ugu wanaagsanaa oo ah Wiilkiisa (Eraygiisa) oo nafsadiisa inoo bixiyey. Annaga oo kaliya maahee wuxuu naftiisa u bixiyey dadka dunida oo dhan . Rooma 5:8 “Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

Walaalayaal, wanaag oo dhan wuxuu ku dhan yahay erayga “JACAYL” Jaceelkaan oo ah magaca Ilaah maaha kan ah dareenka laba qof oo kala jinsi ah oo isku baahan. Jacaylkani waa astaanta wanaagsan ee Ilaah oo ah xagga daryeelka, daneynta, qiimeenta u naxidda iwm. Aqri 1 Korintos 13: 4-8. Sidaa daraadeed waxaan dhiiranaan ku dhihi karaa in Magaca Ilaah uu yahay Jacayl. 1 Yooxanaa 4:8 “Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl.

Rabbiga ha idin barakeeyo.

Qore : Shino Gabow,

www.jidkajanada.com