Ilaah waqtiyadii hore wuxuu awoowayaasheen kula soo hadli jiray nabiyadii, kuwaasoo aqbaar ka soo qaadi jiray Ilaah una keeni jiray dadka. Laakiin ugu danbeeyntii aqbarta laftigeedii ayaa dadka dunida ugu timid ( Ciise Masiix).

Aqbaartan mucjisada wadataa kolkii ay dhulka timid, kuwii arkay oo goobjoogga u ahaa qaarkood ma aysan rumeysan. Yooxanaa 1:11 “Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga”. Laakiin waxaa nasiib yeeshay kuwii rumeystey oo xaq u yeeshay inay noqdaan caruurtii Ilaah. Yooxanaa 1:12 “Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay”, Kuwan arkay Ciise masiix oo rumeeystey waxaa aad uga nasiib batay kuwii aan Isaga arkin oo haddana rumeystey. Kuwaan danbe wuxuu Rabbiga ku tilmaamay kuwa ad u barakaysan, waayo waa kuwa ay sida dhabta ah uga dhaadhacdey badbaadada ku timaadda rumeysadka Ciise masiix. Yooxanaa 20:29 “Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay”.

Walaalayal, waan wada ognahay in Ciise Masiix uu dunida ku soo laabanaayo. Maxaad u sugeeysaa illaa uu ka soo laabto oo ay kadis kuugu noqoto. Maad hadda rumeysatid si aad uga mid noqotid kuwiisa, si hadii uu soo noqdo uu isla markiiba kugu kaxeeysto meesha uu u diyaariyey kuwa isaga rumeystey oo ku badbaaday magaciisa. Yooxanaa 14:3 ” Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan”.

By Shino Gabow