2 Korintos 6:18 Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

Kitaabka quduuska ayaa na baraayo inaan aabbe ugu yeerno Ilaahay ee maahan wax anaga aan sameeysanay. Rabbi Cise Masiix ayaana xertiisii barey inay Ilaah Aabbe ugu yeeraan. Aabbe-nimada waa xirriirka ka dhaxeeya dadka iyo Ilaah, tusaalena looga dhigaayo xirrirka wanaagsan ee ka dhaxeeya ilmo iyo aabihiis.

Xertii Ciise Masiix markay  yiraahdeen Rabiyoow ina bar sidaanu u tukano. Tukashaduu Ciise Xertiisii baray haddaba sidatan u tukada ayuu yir: Matayos 6:9 Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado…

Salaadii waxaa lagu bilaabay Aabbahayaga jannada ku jirow taas waxay noo cadayneysaa inaanu u qiimeyno Ilaahay sidii aabeheen oo na jecel oo aanu u xushmeeynaa. Habkaas ayuu Ilaah rabaa inaanu ku caabudno oo aan ku barano Isaga, anagoo isku soo dhawaaneyno oo xiriir wanagsan oo joogto ah la yeelaneyno.

Tusaale kalena waa kanaa Luukos 11:11 Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya?  Jacaylka uu aabaheen nadhalay noo qabo mid ka wanaagsan ayuu aabaheena nafta ee Ilaahaygeena ah uu in ka sii badan na jecel yahay oo wax walba oon weydiisano nasiinayaa. Aabe-nimadana maahan mid jireed ee waa mid ruuxiyan ah, sida dadka qaar ay u yiraahdaan waxaan nahay adoonkii Ilaah ayaa Masiixiyiintana u yiraahdaan waxaanu nahay ilmihii Ilaah xaga dhalmada maahan, Ilaahna wax ma dhalo. Kitaabka quduuska waxaa ku qoran Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta Yooxanaa 4:24.

In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah Rooma 8:14 Aayadaasna waxay noo cadayneysaa inaan nahay caruurtii Ilaahay. Ha u maleynin inaan jirka xagiisa ka wadno ee waa ruuxda iyo kuwa Rabi Ciise Masiix Aqblaa. Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,Yooxanaa 1:12

Qofkasta oo aduunka joogo aabihii jirka ka dhalay maahane aabe kale ayuu leeyahay oo xaga Ruuxda ah, waana midkuu aaminsan yahay oo uu caabudo ama Ilaah ama sheydaan sida qoran.Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn. 1 Yooxanaa 3:10.

Waa inaad Rumaysataa Ciise Masiix si aad u noqoto caruurtii Ilaah. Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. Galatiya 3:26

Adoonimadii waa nalaga soo bixiyey sida ku cad ayadahaan markaanu aqbalno Masiixi. Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow Rooma 8:15. Ruuxdii Ilaah ayaa Ruuxadeena u muujineyso inuu aabo noo yahay Ilaah oo aan isku dhownahay oo uu noo aqbalayo wax kasto oon weydiisanana nasiinayaa.

Injiilka ka hor xitaa aabbo ayaa Ilaah loogu yeeri jirey. kitaabadii hore ee towreedka iyo sabuurka xitaa aayado ka mid ah waa kuwan Sabuurradii 68:5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda. Malaakii 2:10 Miyaynan kulligeen isku aabbe ahayn? Sow isku Ilaah inama uumin?

Walaalayaal hadii aad rabtaan inaad ka mid noqotaan caruurtii Ilaahay ee la jecel yahay ee janada loo balan qaaday qalbiga ka rumeyso afkana ka qiro ducadaan. Ilaahayoow waxaan ahay danbiile waan kuu toobad keenayaa ee iga cafi danbiyadeyda oo dhan. Waxaan aamin sanahay inuu Ciise Masiix ku dhintey isku talaabada danbigeyga aawadiis oo maalin tii sadexaad ka sara kacay. Rabiyoow waxaan afka ka qiranayaa oon qalbiga ka rumeynayaa inaad tahay Rabigeyga iyo badbaadiyaheyga. Ruuxaga Quduuska ha I hogaamiyo. Waxaan intaas kugu weydiisanayaa magaca Sayid Ciise Masiix. Amen. Kusoo dhawo Boqortooyada Ilaah, nalana soo xiriir. Mahadsanid.

Shino & Shania Gabo.