Waxkasto oo aad dooneysid in laguu sameeyo, u samee dadka.

Sabuurradii 34:14 “Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada”.

Wanaagfallidu waa wax aad dadku ugu qancaan. wanaaggu wuxuu ka farxiyaa qofka wanaagga loo sameeyey iyo wanaagga sameeyey laftigiis. Xumaantuna sidaa oo kale ayeey u dhibtaa qofka xumanta lagu sameeyey iyo kan sameeyeyba. Waxaan aaminsanahay in dadka intooda badan ay jeclaan lahaayeen inay ahaadaan kuwa wanaagga ka shaqeeya, inkastoo dadku meelo qaar ay aad ugu kala duwan yihiin wixii wanaag ah iyo wax kale. Haddaba wanaagga qeexiddiisu waa sidan ku qoran Kitaabkeenna Quduuska ah oo leh: “Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii”. Matayos 7:12. Kan ayaa lagu magacaabaa sharciga dahabiga ah oo qanciya dadka oo dhan.

Waxa adiga ku dhibaayo oo aadan jecleen in lagugu sameeyo ama lagugu sheego adna ha ku sameeyn qof kale ama ha ku sheegin. Waxa adiga nafsadaada la jeceshahayna la jeclow walaalkaa. Dadka aad taqaanaa oo dhan maaha dad xumaan sameeya. Mana wada aha kuwa wanaag wada sameeya ee way isku jiraan. Haddaba sidee lagu kala gartaa iyagana? Waxaa lagu kala gartaa mirohooda – hab dhaqankooda- Matayos 7:16-18 “Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga? Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo”.

Ixtiraamku waa qayb ka mid ah astaamaha shuqulada wanaagsan. Ixtiraamkuna waa dhaqan laba dhinaceed ah. Haddii aad dadka ixtiraamtid waxaad dib dadka intooda badan ka heleysaa ixtiraam.Rooma 12:10 “Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo”.

Walaalayaal, kan miraha wanaagsan dhalaa waa qofka Ilaah oo hab dhaqameedkiisu wanaagsan yahay, ahna qofka aad si wanaagsan oo farxad leh ula noolaan kartid. Kan miraha xun dhalaa waa qofka adiga ku dhiba ama dadka kale dhib ku ah, kaasi waa kan aan loo baahneen in nolol lala wadaago, waayo noloshaada ama tan dadka kale ayuu dhib iyo qatar ku yahay. Matayos 7:19 “Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa”. Aan ahaano kuwa doorta inay wanaagga sameeyaan oo wanaagfalayaasha taageera oo xumaanta iyo xumaanfalayaash horjoogsada diidana xumaantooda. Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

Qore: Shino Gabow

www.jidkajanada.com