2Timoteyos 2:16 ” Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola’aanta”,

Waxaan leenahay saaxiibo iyo dad aan inta badan ku wada sheekeysano meelo qaas ah, annagoo ka sheekeeysaneyna waxyabo kala duwan oo ku saabsan dunida iyo xaalado kale. Dadka rumeystayaasha ah kolka ay kulmaan waxay kulankooda ku bilaabaan inay duceystaan si uu Ilaah u ahaado kan bartamaha u ah wadahadalkooda. Maahmahdii 3:6 “Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa”.
Haddii sidaa ay sameeyaan, waxaa hubanti ah in dadkaas kulmay ay ka fog yihiin hadalada aan micnaha lahayn oo nalooga digay, waxaa ka mida xanta, beenta, qiyaanada, lug-gooyada iwm. Waayo waxay ogolaadeen in kulankood uu Ilaah hoggaamiyo, waxyalaha ay ka wada hadlaayaana waxay noqonaayaan wax Ilaah hortiisa lagu aqbalo oo aad u wanaagsan, iyagooo sii helaaya xoog iyo karti dheeri ah si ay mar kale u kulmaan. Isa 40:31 “Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan”. Kolkeey walaalahan kulankooda dhameeyaana way duceeystaan oo waxay ka mahadceliyaan wixii wanaagsanaa oo ay ka wada hadleen iyo siduu Ilaah u dhex joogay.

Walaalayaal, kolkaan kullano yeynaan waqtigeena ku luminin wax aan micno lahayn oo Ilaah naga fogeeynayo, ee aan ahano kuwa daacad u ah Ilaah oo marwalba ka hadla kana shaqeeya wax uu Isagu raalli ka yahay ee wanaagsan. Filiboy 4:7 “Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix”. Amen.

By Shino Gabo