Nolosha laga dul dhisay Injiilka Rabbi ciise Masiix waa mid aan liic-liican oo aan la dhaqdhaqaajin karin. Qofka rumeysan Masiixa, kolkuu la kulmo tijaabooyinka kala nooc nooca ah ee dunida uma gil-gisho sida kuwa aan rumeystayaasha ahayn, waayo Masiixigu wuxuu ku qottomaa oo uu rumeysadkiisa ka dul dhistey runta oo ah Erayga Ilaah. Aas- aaskan laga duldhistaa Masiixa, waa mid muhiim u ah qofkasta si uu u taagnaado kolkuu sheydaanku ku soo weeraro xirfadihiisa iyo qiyaamooyinkiisa kala duwan.
Qofkii aas-aaskiisa nolosha ka duldhistaa erayga Ilaah (Masiix) waa qof caqli badan.Matayos7:24 ” Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa. Qofkiise diidaa Erayga Ilaah (Masiix) waa qof nacas ah, waayo wuxuu dhinac maray oo uu u hoggaansami waayey kii isaga abuuray. Matayos 7:26 “Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay”.

Sababaha loo aaneyn karo burburka waddankeena Soomaaliyeed, waa aas-aaska dadkeena iyo dalkeena oo xumaaday. Waayo kama aynaan dul dhisan nolosheena Erayga runta ah ee Ilaah. Haddii aan Erayga Ilaah ka dul dhisan lahayn, waddankeena Soomaaliyeed sida uu hadda u burburay uma uusan burbureen. Rumeysad been ahi waa sida beenta laftigeeda oo ah wax aan sii waareyn oo ay runtu ka daba timaaddo. Dadku markey rumeysan yihiin Erayga Ilaah, waxaa xaqiiqa ah inay ku taagnaadaan runta. Waayo Ilaah ayaa ah Runta. Kuwa isaga rumeystaan waxay ku hadlaan runta oo qiyaano way ka fogtahay iyaga.

Walaalaha Ilaah jecelyahow, aan ku xidideysano oo ku dhismano rumeysadkeen Rabbi Ciise masiix oo ah bilaabaha iyo dhameeystiraha rumeysadkeena. Kolosay 2:6 “Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,  idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa”.

By Shino Gabow