Caddaaladu waa wax aad u wanaagsan oo dadka oo dhamu rabaan in loo sameeyo.  Caddaladu waa sifo kamida sifooyinka uu Ilaaheena na abuuray leeyahay. Ilaah waa caadil wuuna jecel yahay caddaaladda iyo dadka caddaalda sameeya. “Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.” Ishacyaah 61:8.

Ballan qaadyda Ilaah waxaa mar walba kamida inuu isagu yahay kan dadkiisa u kala cadaalad sameeya. Dowladaha adduunka ee hadda jira waxaa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo inay wanaagsan tahay waa sida  ay caddaldu ugu shaqayso waddankaas. Waddamada ugu caddaladda badana waa kuwa ay dadka intooda badan jecel yihiin inay ku noolaadaan. Waayo, kuwa caddaalada sameeyaa Ilaah wuu barakeeyaa. “Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.” Sabuur 106:3

Dadku haddii ay caddalad sameeyaan oo Rabbiga barakeeyo way ku liibaanaayaan adduunka oo nabad iyo barwaaqo ayey ku noolaanaayaa, dadka kalana way u soo masaafurayaan si ay u harsadaan caddaaladaas iyo barakadaas. “Sharka ka fogow, oo wanaag samee, oo weligaa baad degganaan doontaa. Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda mana uu dayrsho quduusiintiisa, laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa… “Sabuur 37: 27-28

Haddaba, side dadku ku helaan astaantaan caddaaladda? Sidaan kor ku soo xusnayba, caddaaladdu waa astaanta Ilaah. Kuwa Ilaah rumeysan ( Masiixiyiinta) astaantaan iyo astaamaha kale ee Ilaah dhaxal ahaan ayey u helaan oo Ruuxa qudduuska ee Ilaah uu haddiyad ahaan u siiyey ayaa astaamahaas wanaagsan ka dhex sameeynaaya. Kolkaa rumeestayaasha Ilaah (masiixiyiinta) si habsami ah ayey uga soo fushaa caddalada.

Dadku haddii ay rabaan inay nabad ku noolaadaan, waxaa lagama maarmaan ah in ay caddaladda jeclaadaan oo qof walba cadaald u sameeyaan. Markii ay dadku garsoorid daacad ah ay sameeyaan waxay helaayaan naxriista iyo raxmadda Ilaah. Laakiin, waxaa hubaal ah haddii aanu dadku ku dhaqmin caddaalad, inay halaagmi doonaa oo dadkooda iyo dalkoodana noqon doono mid aad ay u liidato noloshiisa dadkuna nacaan waddankooda oo ay ka tahriibaan si ay u aadaan wadan ay caddaalad  ka jirtto si ay nolol wanaagsan u helaan. “ Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad. Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis…” Sekeryaah 7:9-11

Ilaahow naga dhig kuwa caddaladda ku dhaqma. “Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad,Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba’.” Maahmaahdii 21:15

 

Qore Shino Gabow.