Luukos 23:37 “oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi”.

Way dhacdaa inta badan in dadka qaar ay ku majaajiloodaan oo ku jeesjeesaan kuw ah xerta Ciise Masiix. Taasina maha wax hadda bilowdey ee Ciise Masiix laftigii ayey ku jees jeeseen oo ku majaajiloodeen kolkii uu nafsaddiisa bini-adanka oo dhan daraadood u bixiyey si uu u badbaadiyo, isagoo awoodey inuu maalintii saddexaadna ka sara kaco dhimashada. Dadkaasi waxyaalihii ay yirahdeen waxaa ka mid ahaa: Isagu muu is badbadiyo haddii uu yahay Masiixa Ilah, kan uu doortey? Luukos 23:35 “Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay”.
Wuu awoodey inuu is badbaadiyo laakiin wuxuu doortey inuu nafsaddiisa adiga iyo aniga inoo bixiyo, oo jaceelkaas uu inoo qabo ayaa isku-tilaabada ku siihaysey ilaa ay nafsadiisii ay baxdo. Jeesjeeskoodii waxaa kaloo ka ahaa in kolkii la qodbayey ay meel madaxiisa ka koreeysa ay ku qoreen boqorka yahuudda. Luukos 23:38 “Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA”. Dadkaan jees jeesaaya meysan gareen kan dhabta ah ee uu yahay Ciise Masiix iyo ujeedada uu u doortey oo raalli kaga noqdey inuu nafsaddiisa bixiyo.
Haddaba dadkaas iyo kuwa hadda ku jeesjeesa xerta Ciise Masiix rumeysan waxaysan garaneeyn in jees- jeeska iyo ceebeenta ay la maagan yihiin Masiixiyiinta ay mar walba u noqoto guul iyo reereyn sida Masiixaba uu hadda u yahay Bqorka boqorada iyo bad badiyaha koonka oo dhan. Rooma 8:28 “Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay”.
Walaalayaal, haddiii ay dhacdo in nala caayo ama nalagu jes- jeeso rumeeysadka Ciise masiix aawadeed, yeynaa u qaadan xumaan waayo Ilaah ayaa inoogu beddeli doona wanaag iyo ammaan. 1Butros 4:14 “Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah”. By Shino Gabo.